Nagu Saabsan
Aan ilaalinno dhaxalkeenna.
Soomaalidii hore waxay nooga tageen taariikh quruxsan. Waxaan fursad u haysannaa inaan mid ka qurux badan uga tagno jiilalka dambe.
Waxaanu ku hawllannahay in hal meel la isugu keeno dhammaan agabka ka turjumaya hiddaha, dhaqanka, khayraadka, taariikhda iyo suugaanta Soomaalida, si aysan u lumin ama u halaabin.
HiilDhaxal waxay u hiillinaysaa jiritaanka Soomaalinimada mar kasta iyo meel kasta.

Suugaanta
Gabayo, heeso iyo murtida kale ee Soomaalidu ku hodanka tahay.
Taariikhda
Xusuusin ku saabsan ilbaxnimadii Soomaalidii hore si cashar looga barto maanta.
Hiddaha iyo Dhaqanka
Sida ay u noolyihiin Soomaalida: miyi iyo magaalo.
Khayraadka
Nimcada teedsan bad iyo barri ee geyiga Soomaalida.
Su’aalaha inta badan la is weydiiyo
Waa maxay HiilDhaxal?+
HiilDhaxal waa madal dhijitaal ah oo ujeeddadeedu tahay kaydinta, kobcinta iyo faafinta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Maxay HiilDhaxal ka kooban tahay?+
Gabayo, heeso dhaqameed, maahmaahyo, taariikh, sawirro iyo muuqaallo hidde-dhaqan oo la xiriira Soomaalida.
Adeegga HiilDhaxal ma lacag baa mise waa bilaash?+
Waa bilaash, qof kasta oo dunida jooga.
Sidee wax ugu biirin karaa kaydka?+
Haddii aad haysato cajalado, sawirro ama qoraallo hidde ah, nagala soo xiriir iimaylka hoose.
Xogtaada
Si aan kuugu soo jeedino waxyaabo kale oo aad jeclaan karto, waxaan xusuusannaa waxa aad ka daawato kaydka, adigoo aan magacaaga ama xog kale oo shakhsi ah naga siin. Waxaad tirtiri kartaa mar kasta.
Taageer mashruucan
HiilDhaxal waa mashruuc bulsho. Taageeradaadu waxay naga caawinaysaa kaydinta iyo baahinta dhaxalka.